[go: up one dir, main page]

Jump to content

Yurub

Ka Wikipedia
Kariirada Yurub

Yurub (Af Ingiriis : Europe; Af Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.

Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha.

Hordhac

Qaaradda Yurub waa mid kamida qaaradaha shanta ah juquraafi ahaan waa qarad u eeg ama jaziirad u eeg. Waxa ay dhererantay ilaa buuraha oral waa dhanka bari iyo Bada Qaswiin.

Wadanada

  1. Albaniya
  2. Andorra
  3. Awstriya
  4. Ayslaan
  5. Ayrland
  6. Beljim
  7. Boland
  8. Bulgariya
  9. Burtuqaal
  10. Denmark
  11. Estoniya
  12. Faransiiska
  13. Finland
  14. Joorjiya
  15. Giriiga
  16. Holland
  17. Hungari
  18. Islofaakiya
  19. Islofeeniya
  20. Isbaayniya
  21. Iswiidhan
  22. Jarmalka
  23. Iswisarland
  24. Makidoniyada Wuqooyi
  25. Jamhuuriyadda Jek
  26. Kuruweshiya
  27. Latfiya
  28. Lekhtanishtayn
  29. Lithuaniya
  30. Luksemburg
  31. Malta
  32. Montenegro
  33. Norwey
  34. Romaniya
  35. San Marino
  36. Seerbiya
  37. Talyaaniga
  38. Yukrayn
  39. Bosniya iyo Hersegofina

Sidoo kale fiiri

Linkiyo Kale

Tixraac


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Awstriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faatikan • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki