[go: up one dir, main page]

Jump to content

Xijaab (dhar)

Ka Wikipedia
File:Munaaaa.jpg
Gabadh Soomaali xidhan xijaab

Xijaab (Af Ingiriis : Jilbāb; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Jilbaab, waa maro dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay looguna tallo-galay in dumarku xidhaan si u asturaan xubnaha jidhkooda. Jilbaabku wuxuu ka mid yahay dharka khaaska u ah dumarka. Sidoo kale waxaa jilbaabka aad caan uga yahay Dunida Islaamka taasi oo dumarku u xidhaas astaan diin ahaaneed. Meelaha qaar sida Gobolka Bariga Dhexe iyo deegaanada kale ee Dadka Carabta ah waxaa caan ka ah xidhashada xijaabka oo loo isticmaalo dhar ahaan. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Hordhac

Xijaabku waa shey dhar ah taasi oo laga tollo dun isla markaana aad looga istimaalo deegaanda ku dhaqan yihiin Muslimiintu halkaasi ooy ka tahay dhar ka mid ah dhaqanka dadka. Xijaabka waxaa maanta laga xidhaa meelo badan oo caalamka ah kuwaasi waxaa ka mid ah wadano badan oo Afrikaan ah iyo wadano reer Galbeed ah.[2]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[3] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[4][5]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac


  1. Barber, Elizabeth Wayland (1994). Women's Work. The first 20,000 Years, p.135.Norton & Company, New York. ISBN 0-393-31348-4
  2. J. R. Bartlett (19 July 1973). CUP Archive. p. 246. ISBN 978-0-521-09749-9 https://books.google.com/books?id=uj44AAAAIAAJ&pg=PA246. Soo qaatay 17 April 2013. traditional Jewish head-dress was either something like the Arab's Keffiyeh (a cotton square folded and wound around a head) or like a turban or stocking cap  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  4. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  5. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54