[go: up one dir, main page]

Jump to content

Siwaarqoon

Ka Wikipedia
Siwaaqron
صواخرون
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Cumaan
 Yemen,
 Kenya
 Tansaaniya
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Islam Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

MeheriMajeerteen, reer Darawiish, Warsangali, hello from the other side , Ogaadeen, ,Mareexaan, Yemeni iyo beelo kale oo Daarood Iyo Soomaali

Siwaaqroon (Af Ingiriis : Siwaqron); Siwaqroon waa beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.waana beel ka tirsan beelwaynta majeerteen Dadka ka soo jeeda beesha Siwaaqroon waxey badi degaan gobolka Raas Casayr (Gardafu), Bari, Sanaag, Jubbada Hoose, iyo dalalka Yaman (YEMAN), Cummaan (OMAN) iyo Imaaraadka Carabta (U.A.E). Beeshu waxey caan ku tahay Xadaarada. Beesha Siwaqroon degmooyinka ugu qadiimsan Soomaliya ee dhaca labada badood, bada gacanka cadmeed iyo badwaynta hindiya ahana cirfka ugu danbeeya ee cariga soomaliya waa degmada caluula ilaa xeebta Degmada baargaal,dagamada caluula ama goboolka casayr,degamada baargaal,bareeda,xaabo ,muudiye ilaa deagaanka xaafuun waa dad ay ka muuqato dhaqankii awayaal ee dir iyo daarood waayo wali waxay joogaan oo ku hareen meeshii la oranaya waxaa ku wada kulamay aqalakoodiina lag dhisay ayeeyo doonbiro iyo awoowe daarood.

Siwaqroon waxaa uu u kala baxaa sidaan hoos ku xusan:-

  • Siwaaqroon
    • Nuh Siwaaqroon
    • Abdirahman
      • Adan Abdiraxman
        • Ibrahim Abdisamad
        • Yoonis Abdisamad
        • Mohamud Abdisamad
    • Obokor Abdiraxman (Cawlyahan)
        • Ciise Cawlyahan
        • Jibriil Cawlyahan
        • Hashim Cawlyahan
    • Dhaadaar
    • Mohammed Siwaaqroon
      • Daauud
        • Muse Daaud
        • Ahmed Daaud (Gahayle)


Beesha Siwaqroon waxeey ka qeyb gashay la dagaallanka gumeystayaasha Talyaaniha Burtuqiiska iyo Ingiriiska.


DADKA CAANKA AH EE KADHASHAY BEELWAYNTA SIWAAQROON:

  1. Halgamaa Cumar Samatar: Halgamaa cumar samatar waxa uu ku dhashay dagmada caluula ee gobolka Bari soomaaliya sanadii 1905 halkaas oo uu kuso bar baaray wax barashadiisa asaasiga ahna uu kusoo qaatay, cumar ilaa yaraantiisi waaxa uu aad u jeclaa sidii uu dhulkiisa u difaaci lahaa oo gumaysihii xiligaas soomaaliya kusoo duulay uga xoran lahaa waana tan ku kaliftay in isaga oo dhalinyaro ah bilaabo halganka gumaysi ladirika ah. mudo kadib halgamagu waxa uu usoo wareegay gobolada dhexe ee somalia halkaas oo ahayd meeshi uu kabilaaby halganka gumaysi ladirika ah dagaaalkii ugu horeeyay ee dhexmara cumar iyo talyaaniga waxa uu dhacay 09/november/1925 waxaana jabwayn soo gaaray gumaystaha lagana qabsaday dagmada ceel buur iyo toolooyin hoos yimaada. 20 bidhii 11 isla sanadkii 1925 dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay meel u dhaxaysa degaanka budh-budh iyo dagmada buula burde ayaa waxa halgamayaasha u suuro gashay in ay dagaalkaas ku dhilaan horjoogihii ciidanka gumaystaha oo lagu magacaabi jiray (lieutenant colonel splendorelli), inkastoo halganku socday mudo 6 bilood ah hadana dagaaladaas isdaba jooga ahaa waxaa gumaystaha kasoo gaaray jab aad u xun waxaan gacantiisa ka baxay dhulal badan oo uu gumaysanaayay. mudo kadib talyaanigu waxa uu ku guulaystay in uu kataqaluso ciidanki uu halgamaa cumar hogaaminayay, halgamaaguna wa uu u baxsaday wadanka ethopia oo dagaal kula jirtay talyaaniga. inkastoo aaysan dadka somaliyeed wax badan kalasocon taariikhda halgamaaga hadana goobaha taariikhiga ah ee halgamaaga loogu magacdaray waxaa ka mid ah iskuulka weyn ee magaalada Galkayo cumar samatar secondary school (CSSS) Xiriirka wada mideeyay cumar iyo Ethopia waxa uu ahaa in ay lawada dagaalamayeen gumaystihii talyaaniga waana arinta keentay in halgamaagu uu taageero saanadee ka helo boqortooydii xiligaas itoobiya katalinaysay, sido murkii uu soo dhaaday halganku waxaa halgamaaga loogu magacdaray jaamacado kuyaala Ethiopia iyo meelo kale oo halbowle u ah bulshada.
  2. Wasiir Aadan Maxamed Cali : Waa Wasiir Hore Dawladi Maxamed Siyaad Bare. Wuxuuna Ahaa Wasiirkii Ugu Xilka Dheeraa oo soo qabtay wasaarado kaladuwan.
  3. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin: Beeldaajaha Guud Ee Cal Bari
  4. Col. Saalax Xaashi Carab: Kornaylku wuxuu derejooyin sare ka soo qabtay ciidankii Badda ee Dawladdii Soomaaliyeed burburka ka hor. Burburkiina wuxuu ka mid ah dadkii juhdiga badan geliyay dib u xasilinta Soomaaliya. Wuxuu qoray buugag dhaxal u ah Soomaalida oo ka qoray aqoonta Badda Soomaalida iyo cilmi-baarisyadii uu ku sameeyay mudadii oo hoggaaminayay ciidanka. Waxaase xusid leh buugga ugu weyn ee Qaamuuska Soomaalida oo loo yaqaan Illeeye. Waa buug lagu aruuriyay ilaa 50,000 oo erey iyo macluumaad qaamuuseed kale oo muhiim u ah Soomaalida. Waa qaamuus ibbo-furay xuruuf kale oo labanlaabma oo aan ahayn intii hore ee la isla qaatay.


[1]

  1. Central Intelligence Agency. Perry–Castañeda Library http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg. Soo qaatay 18 May 2010.  Maqan ama ebar |title= (caawin)