Aasaaska tiro
Aasaaska Tiro
Aasaaska Tiro (ingiriis: basic numbers) waa tobanka lambar eey ka samaysan tahay tirada xisaabta.
Lambarada xisaabta ku jira aad ayay u badan yihiin, marka tobanka lambar ee aasaaska tiradu waa:
- 0 (eber),
- 1 (kow),
- 2 (labo),
- 3 (sadex),
- 4 (afar),
- 5 (shan),
- 6 (lix),
- 7 (todoba),
- 8 (sideed), iyo
- 9 (sagaal).
Dhinaca kale, tirada lambarada xisaabta waxaa lagu kala soocaa hab loo yaqaano god, kuwaas oo muujiya kala duwanaanshaha lambarada. Lambarada aasaaska tiro (0 ilaa 9) waa hal-godleey sababtoo ah waa hal lambar. Laakiin lambarka 10 ilaa 99 waa iskudheg labo lambar, tusaale ahaan (1 iyo 0) sidaas darteed waa labo-godleey. Intaas waxaa dheer, sadex-godleey, afar-godleey, shan-godleey ilaa meel aan la aqoon.
Si kastaba ha ahaatee, tiradii kasta ee iswadata waa lambar taasi oon lagu xidhi karin godadka.